Isbuucii rajada Doorashada 2020 iyo Cabsida Xisbiyada Xamar Qaarkood !!

50 Sano kadib ayey dadka Somaaliyeed u muuqatay Yedidiilo iyo Rajo weyn in ay mar labaad ku guuleysan karaan Doorasho Qof & Codkiis ah!

Dhacdooyinkii Asbuucii ugu danbeeyey bishii November ayaa dhaliyey Fursado aan horay u dhicin oo muujinaya Guusha Doorasho Qof & Codkiis ah ee ka dhacda gayiga Somaaliyeed Sanadka 2021, kadib Doorashadii Qof & Codkiis ee Barlamaankii 1969, waxaana ka mid ah Fursadahaas;

1. Kulankii Wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Barlamaanka iyo Balan-qaadkoodii in ay deg deg ku Ansixinayaan Sharciga Doorashada iyo Qabyatirka Dastuurka!

2. Sharcigii Doorashada oo kasoo dhamaaday Golaha Wasiirada iyo Guddi-hoosaadkii Barlamaanka, una baahan kaliya Ansixin iyo Fulin!.

3. Guddiyaadii Qabya-tirka Dastuurka oo soo gudbiyey Jadwakii dhameystirka Hawshooda, Wacadna ku maray in ay Barlamaanka ka Ansixin-doonaan Kalfadhigaan!

4. Guddiga Doorashada Qaranka oo Qorshihiisa Doorasho kusoo bandhigay kulankii Golaha Ammaanka ee New York, kana balan qaaday Kulanka hortiisa in ay qabanayaan Doorasho Qof & Codkiis ah Sanadka 2021.

5. Xukuumada Somaaliya oo Balanqaaday in ay bixinayso Qoondada uga soo aaday Kharajka Doorashada oo dhan $ 7 M iyo Dawladaha Saaxiibada Somaaliya oo balan-qaaday in ay bixinayaan inta ka dhiman.

6. Madaxweyne Farmaajo oo bilaabay la tashiga Saamileyda Siyaasadda Somaaliya iyo Xisbiyada ku meel-gaarka ah’ sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen xaqiijinta Doorasho Qof & Codkiis ah.

7. Beesha Caalamka iyo Daneeyaasha Arrimaha Somaaliya oo Caddeeyey in ay Arrimaha Doorashada uga danbeyn-doonaan Dawladda Somaaliya.

Fursadahaas kadib waxaa Cabsi Muujiyey !!

A. Xisbiyada Siyaasadda ee aan weli Xamar ka bixin Qaarkood iyaga oo aan Caddeyn Sababta Cabsidooda markii laga reebo in ay u barteen Doorasho Dadban.

B. Siyaasiyiin iyo Xildhibaano Kuraas ku helay Doorasho Dadban oo ka Baqaya in ay ku waayaan Doorasho Toosan.

C. Beelo iyo Gobalada Qaar ku Caana-maalay 4.5 oo ku helay Sed-bursi Siyaasadeed, kana Baqaya in ay waayaan Kuraas ay haysteen 20 Sano.

Hadaba dadka Somaaliyeed, gaar ahaan Dhalinyarada oo haysta Fursadahaas ay ku dhici karto Doorasho Qof & Codkiis ah; ma Aqbali-doonaa in mar kale uu ku laabto Doorasho Dadban iyo 4.5?.

W/Q Dr Mohamed Nur Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -