Yuusuf Dabageed oo xirxiray taliyeyaal Ciidan & Shaqaale ka tirsan Hirshabelle

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa xabsiga u taxaabay taliyihii Nabad sugida gobolka Hiiraan, ku-xigeenkiisa iyo shaqaale ka tirsan Wasaarada Maaliyada Hirshabelle.

Mas’uuliyiinta NISA ee la xiray ayaa kala ah taliyihii Nabad sugida Gobolka Hiiraan Cabdi Maxamed Cali iyo Ku-xigeenkiisa oo magaciisa lagu koobay Dhagaweyne, iyadoo aan la sheegin sababta loo xiray.

Dhinaca kale, Saddex ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle ayaa la dhigay xabsiga Magaalada Baladweyne.

Shaqaalaha la xiray oo ay ku jirto haweeney ayaa la sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Xariga shaqaalahan ayaa yimid ka dib markii ay ka biyo diideen iney Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ka bixiyaan lacag uu ka dalbaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, iyagoo sheegaya Wasiirka Maaliyada Hirshabelle amarkiisa oo kaliya ay ku bixin karaan lacag, loona baahan yahay in gudoomiye Dabageed uu soo maro Wasiirka.

Balse dabageed ayaa ka carooday arrintaas isagoo ka dibna xabsiga dhigay howlwadeenada Wasaarada Maaliyadda Hirshabelle.

Talaabadan ayaa waxaa si weyn uga carooday Masuuliyiinta Wasaarada Maaliyada Hirshabelle oo sheegay in shaqaalaha la xiray ay ku saxnaayeen talaabada ay qaadeen, iyagoo dacwad ka dhan ah Dabageed u gudbiyey madaxweyne Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo dhowaan xilka gobolka Hiiraan u magacaabay Yuusuf Dabageed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -