Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn ka dhacday kaniisad ku taala Gaza oo dad badan gabaad u aheyd (Sawirro)

Faahfaahin ayaa ka soo baxaya duqeyn ka dhacday kaniisada Ortodokska ee magaalada Gaza oo ay degan yihiin dad Falastiiniyiin ah oo soo barakacay goor dambe oo Khamiistii shalay aheyd, waxaana ka dhashay dhimasho iyo tobaneeyo dhaawac ah.

Mohammed Abu Selmia, oo ah agaasimaha guud ee Isbitaalka Shifa, ayaa sheegay in daraasiin ay ku dhaawacmeen Kaniisada Saint Porphyrios balse aysan sheegi karin tirada dhimashada saxda ah sababtoo ah meydad badan oo wali ku hoos jira burburka.

Maamulka falastiiniyiinta ayaa qaraxa ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen duqeymo dhanka cirka ah oo ay fulisay Israa’iil.

Wadaadka Ortodokska ee Giriiga ee Jerusalem ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarka wuxuuna sheegay in aysan ka tagi doonin waajibaadkooda diineed iyo bini’aadantinimo ee ah bixinta gargaarka.

Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarka ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar in aysan jirin wax digniin ah oo ka soo baxay militariga Israa’iil.

Waxaa loogu magac daray Bishop of Gaza 395 ilaa 420, St. Porphyrios waxa uu ku yaalaa qaybta al-Zaytun ee Qasa.

Waxa uu noqday masjid qarnigii 7aad ka hor inta aan laga dhisin kaniisad cusub qarnigii 12aad ee saliibiyiinta.

Waxay gabaad u aheyd boqolaal qof oo iskugu jiray muslimiin iyo Masiixiyiin si ay uga nabad galaan duqeymaha aan kala sooc laheyn ee ciidamada Israel.

Related posts

Mareykanka oo qaatay go’aan ka farxiyey dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan

Caydiid Ali

(Akhriso) Magacyada dadkii ku dhintay Dayuuradii ku burburtay Berdaale & Masuuliyiin ka hadlay

Caydiid Ali

Madaxweyne 80 jir ah oo ku dhawaaqay inuu mar kale u tartamayo xilka ugu sareeya

Caydiid Ali