Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay tahay xarunta cusub ee uu Jowhar ka furay Cali Guudlaawe? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xariga ka jaray Laanta cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ay ku yeelan doonto Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirshabeelle.

Gudoomiye ku-xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya Dr Cali Yaasiin Cali,Wasiiro,iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog ka ahaa Munaasabadan.

Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay munaasabada ka dhacday Laanta Bankiga Dhexe ayaa sheegay in bulshada Hirshabeelle ay soo dhoweeynayaan ayna ku faraxsan yihiin in adeega bankiga dhexe ee Soomaaliya uu soo gaaro Gobolada Dalka, ka Hirshabeelle ahaana uu faaiido wayn ugu fadhiyo.

Bankiga dhexe ayaa isku fidinaya xarumaha maamulada dalka, waxaana horey loo furay labo xarumood oo Bankigu ku yeeshay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb.

Related posts

Raisul Wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo caawa gaaray dalka Kuwait (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir shaaciyay tirada Xildhibaannada mucaaradka ku ah Xukuumadda

Cabdi Cade

Abiy Axmed oo Dhambaal usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya .

Cabdi Cade
Taboola Ads ---