(Sawirro) Israel oo weli sii wada duqeymaha Gaza & & dad hor leh oo lagu xasuuqay

Tan iyo saqdii dhexe ee xalay ciidamada Israel ayaa xoojiyey duqeymaha ay ka fulinayaan deegaano kala duwan oo ku yaala marinka Qaza.

Gantaal ay ku dhufatay degaanka Rafah, waxaa ku dhintay 33 qof duqeynta labaad waxay ahayd Khan Younis oo guri la beegsaday. Sida laga soo xigtay ilo caafimaad, 11 xubnood oo qoyska ka tirsan ayaa dhintay, oo ay ku jiraan lix carruur ah. Ilaa hadda, wadarta guud ee dadka maanta lagu dilay Qaza waa 44 qof.

Militariga Israa’iil ayaa sidoo kale ridaya madaafiicda taangiyada ee ka gudba xayndaabka dhinaca bari ee marinka Qaza.

Saddex falastiiniyiin ah ayay ciidamada Israel ku dileen xerada qaxootiga ee Nur Shams ee Tulkarem, oo ah Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay gudaha u galeen xerada, waxaana weli socda iska horimaadyada.

72 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto tan iyo 7-dii October.

Sidoo kale 3,785 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii October ka geysatay gudaha Israa’iil, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo qof ilaa maanta waa gudaha Israel.

Dhinaca kale, Laba toddobaad oo dagaal ah ka dib, dhammaan isbitaallada ayaa buux dhaafay, dhammaan nidaamka caafimaadkuna waxaa la sheegay inuu il daran yahay. Qalab la’aanta awgeed, dhakhaatiirtu hadda waxay ku qalayaan dadka iyagoo aan la suuxin.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in 14 xarumood oo caafimaad ay shaqada joojiyeen ka dib markii uu ka dhamaaday shidaalkii ku jiray korontadii. Afar isbitaal oo kale ayaa la xiray ka dib markii ay duqeeyeen Israel.

Wadahadal kooban oo uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu kula yeeshay magaalada Jerusalem ayaa Ra’iisul Wasaaraha UK Sunak wuxuu ku celiyay taageeradiisa Israa’iil mana soo hadal qaadin xabbad joojin. “Waxaan rabnaa inaad guuleysataan,” ayuu u sheegay dhiggiisa.

Dhinaca kale, In ka badan 120 baabuur oo kuwa xamuulka ah ayaa taagan meel u dhow xuduudka Rafah ee dhanka Masar si ay u galaan Gaza, inkastoo aan la filayn in gargaarku soo galo ka hor Jimcaha beri ah

Xamaas ayaa sheegatay mas’uuliyadda gantaalo laga soo tuuray koonfurta Lubnaan oo ku dhacay Israel.

“Waxa aanu war ka helnay kooxdayada koonfurta Lubnaan in gantaalo loo soo riday dhanka Israa’iil” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Israel.

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa barta Telegram ku sheegtay mas’uuliyadda 30 gantaal oo laga soo riday koonfurta Lubnaan kuna dhacay Israa’iil inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -