Allbanaadir.com
NEWS

Abiy Axmed oo Dhambaal usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya .

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay lagu doortay magaalada Muqdisho.

Abiy Axmed ayaa sheegay in si dhaw ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub ee yeelatay dowladda Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in ay iska kaashan doonaan arrimo badan sida xiriirka iyo danaha labada dal.

”Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Madaxweynihii hore Hassan S Mohamud oo dib loogu doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan si dhow idiinkala shaqeeyo danaha labada dhinac iyo kuwa gobolka” ayuu yiri Abiy.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey xiriir dhaw u lala lahaa Madaxweynaha xilka ka degay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana Itoobiya iyo Eritrea kamid ahaayeen dowladaha Farmaajo xiriirka wanaagsan la lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirro: C/kariin Qalbi-dhagax oo dhex mushaaxaya Addis ababa, kana hadlay sii deyntiisa

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda iyo saaxiibada caalamka oo dilsy 40 xubnood oo Al Shabaab ah

Cabdi Cade

(Sawirro) Wararkii u dambeeyey dagaalka Khartuum iyo xoogaga RSF oo War soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---