Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo u mahad-celiyay dowladda Sweden hal arrina ka codsaday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Joacim Waern.

Xamsa Barre iyo Danjiraha ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku qotoma danaha labo geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.

Related posts

Gudoomiye Madaale oo aqbalay qorshe lagu duminayo guryo ku yaalla Muqdisho

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho: “Laga bilaabo beri mashaqeyn karto bajaaj aan laheyn sumada A iyo B”

Caydiid Ali

Fahad Yasin: “Dilka saraakiisha Imaaraadka (Dayac amni mise mid hogaaminin?)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---