Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ka tirsan Afrika oo qabatay daroogadii ugu badneyd taariikhda (Sawirro)

Dowladda dalka Senegal, ayaa qabatey daroogadii uggu badneyn abid ay la wareegaan, taasoo ah nooca loo yaqaano Cocaine.

Dalkan ayaa dhaca dhanka galbeed ee qaaradda Africa, iyadoo warkani ay soo tabisay wakaaladda wararka ee Reuters, iyadoo kasoo xiganeysa ciidanka badda dalkani.

Culeyska daroogada la qabtey, ayaa gaaraya 2,026kg, taasoo laga soo qabtey Markab ku dhex socday badda, intii lagu jirey hawlgal ay si wadajir ah u sameeyeen ciidanka cirka Faransiiska, iyo ciidamadda badda Senegal.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markabka laga soo qabtey masaafo u jirta xeebta dalka Senegal 363km, iyadoo ay saarnaayeen rakaab gaaraya illaa iyo shan qof.

Galbeedka Qaaradda Africa, ayaa noqotey surinka loogga sii gudbiyo daroogada qaaradda Yurub iyo qaaradda America, qeybteeda koonfureed.

Bishii ina dhaaftey ee January, madaxda dalkani dariska la ah ee Gambia, ayaa qabatey ku dhawaad daroogo gaareysa saddex tone oo daroogada nooca Cocaine-ta ah.

Related posts

Burcad-baddeed iyo Badmaaxiinta Afduuban oo wada cunteeya iyo Sahayda oo gabaabsi ah

Cabdi Cade

Sirdoonka Ukraine oo War yaab leh ka soo saaray booqashadii Putin ku tagay Iran

Caydiid Ali

(Sawirro) Axmed Madoobe oo xariga ka jaray dhismo qurux badan oo loo dhisay wasaarrada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---