Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Mudane Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardar-galinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale la filayaa in ay kawada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale qorshaha ka bixitaanka ciidamada midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Kenya ayaa ciidamo badan ka joogaan qeybo kamid ah deegaannada maamulka Jubbaland, ciiamadan ayaana wax garab ah ku siin dowladda Soomaaliya howlgalka ay kula dagaallameyso kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Caalamka oo looga digay in ay khafiifiyaan xayiraada looga hortagayo Covid-19

Cabdi Cade

Bangiga Amal oo Daah furay adeeg ay ka faa’iideesanayaan dhalinyarada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Tiina Intelmann (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---