Dowladaha Caalamka oo looga digay in ay khafiifiyaan xayiraada looga hortagayo Covid-19

Inta badan dowladaha caalamka ayaa shacabkooda kusoo rogay xayiraad adag si looga hortago faafida caabuqa saf marka ah ee Caronavirus, waxaana dadka lagu amray in ay joogaan guryahooda si ay uga bad baadaan Caronavirus.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ayaa dunida uga digay in la qaado xayiraadaha loogu talagalay la dagaalanka faafidda coronavirus, waxa ayna Hay’adda ka digtay in xaalada kasii dari karto hadii xayiraadaha la khafiifiyo.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah Madaxa Hay’adda WHO ayaa sheegay in xayiraada dowladaha soo rogeen wax u dhimay dhaqaalaha , waxa uuna ugu baaqay wadamada caalamka in ay ka fiirsadaan khafiifinta xayiraada looga hortagayo Caronavirus.

Waxa uu sheegay Tedros in hoos u dhac xanuunka Covid-19 laga dareemay qaar ka mid dalalka Yurub, Waxa uu xusay iney jiraan qorshooyin lagu khafiinayo xayiraadaha kuwaasi oo ay WHO kala shaqeyneyso dowladaha caalamka.

Madaxa WHO ayaa codsaday in aan si deg deg ah loo qaadin xayiraadaha dalalka kusoo rogay shacabka, waxa uuna ku taliyay in marka hore xaalada la qiimeeyo si tartiib tartiib ahna loo qafiifiyo xayiraadaha.

Qaar kamid ah wadamada caalamka oo ku yaraaday kiisaska Caronavirus iyo dadka u dhimanaya ayaa bilaabay in ay qafiifiyaan xayiraada loona fasaxo dadka qaarkood in ay shaqooyinka ku laabtaan.

Wadamada Caalamka oo dhan ayaa laga xaqiijiyay in ka badan 1.6 malyan oo kiis oo caronavirus ah , waxaana cudurkaasi dunida oo dhan ugu dhintay inta la ogyahay dad ka badan  101,000 oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -