Dhacdo argagax leh: Haweeney caawa dishay seygeeda oo ahaa Macalin Dugsi Quraan

Dhacdo naxdin leh ayaa caawa laga soo sheegayaa Xaafadda Xaawo-taako oo ka tirsan magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan ka dib markii Shiikh Macalin ka ahaa dugsi Quraan uu u geeriyooday sun cashada loogu daray.

Macalinkan oo la oran jiray Shiikh Cumar Macalin Muxumed ayay wararku sheegayaan iney dilkiisa maleegtay xaas minyaro ah oo uu dhowaan soo guursaday.

Dadka deriska la ah qoyskan ayaa sheegay in xaaskiisa labaad ay sunta beeraha ugu dartay casho ay galabta diyaarisay taasoo ugu dambeyn sababtay geerida Macalinka.

“Xaaska markii ay cashada siisay wey ka baxday guriga, waxaan maqalnay Macalinka oo leh, raashiinka caawa waa qaraar, ka dibna xanuun ayaa qabtay, markii Isbitaalka loola cararayna waa geeriyooday” ayey tiri haweeney deris la ah Macalinka.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in Xaaska falkan geysatay ay in muddo ah ka maqneyd macalinka, khilaaf dhinaca qoyska ah oo jiray awgeed, maantana ay qoyskeeda ku soo celiyeen Macalinka, iyadoo warar kalena sheegayaan in maseyr dartiis ay ugu kacday falkan dilka ah inkastoo ay aheyd Minyaro.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Beladweyne iyo baraha bulshada, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in la soo qabtay lana xiray xaaska lagu tuhunsan yahay iney dishay seygeeda, waxaana socda baaritaan ay wadaan ciidamada Booliska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -