Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsan kooxda Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidamada deegaanka ee howlgallada ka wada deegaanno katirsan gobolka Mudug, ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu katirsanaa saraakiisha kooxda Al Shabaab .

Ninkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Aadan Maxamed ayaa lagu qabtay deegaanka Qoriley ee koofurta Gobolka Mudug, waxaana sargaalkan la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha laga qaado shacabka degan Bacaaweyn.

Telefishinka dowladda ayaa baahiyay in ninkan ciidamada huwanta ah ay soo qabteen isaga oo dhuumaaleysi ku jiray, waxa ay sidoo kale sheegeen in ninkan xilligii la qabanayay uu qorsheenayay in ciidanka isku soo dhiibo.

Saraakiil iyo dagaalyahanno kale katirsanaa kooxda Al Shabaab kuna sugnaa qeybo kamid ah gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe isku soo dhiibay ciidanka huwanta ah, waxaa sidoo kale jira kuwa kale oo howlgallo lagu soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiiro cusub oo kamid noqonaya Maamulkiisa

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay in Wadahadal Nabadeed la furto Ururka Al Shabaab

Cabdi Cade

Goodax Barre oo hanjabaad dadban u diray Madaxda sare ee dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---