Xisbiga cusub ee uu horkacayo Xasan Shiikh oo iska bedelay magacii lagu qabsaday (Akhriso)

Isbedel deg deg ah ayaa lagu sameeyay magaca xisbigii dhowaan looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbiga cusub ee Xasan Sheekh ayaa markii hore loo bixiyey: “Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyada” balse waxaa magacaas ku qabsaday oo Dacwad ka keenay Wasiirka Dastuurka maamulka K/Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan oo ku dooday in magacaasi uu leeyahay xisbi uu isagu hogaaminayo oo la yiraahdo: “Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed” (SPDU).

Haddaba 48 saac kadib ayaa maanta mar kale la shaaciyey in la bedelay magaca Xisbiga uu hogaaminayo Xasan Shiikh, iyadoo laga dhigay: “Midowga Nabadda iyo Horumarka”- (Union For Peace and Development- UPD).

Magacan dambe ayaa aad ugu eg xisbigii uu Siyaasada ku soo galay Xasan Shiikh doorashadiisa ka hor kaasoo la yiraahdo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP).

Waxaa la sheegay in mar kale maalinta Khamiista la qaban doono Munaasabad lagu dhawaaqayo Xisbigan cusub oo magaca cusub wata, iyadoo la caleema saari doono Guddoomiyaha KMG ee lixda bilood ee socota Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -