Shir ka furmaya Sacuudiga oo la qaadacay & sumcada Max’ed bin Salman oo dhulka gashay

Dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa qaadacay shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in Sacuudiga lagu qabto

Xoghayaha Maaliyada Mareykanka Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qaybgali doonin shirkaas, iyadoo arrintan ay la xiriirto dilka looga shakisan yahay in loo gaystay saxafiga Jamal Khashoggi.

Mr. Mnuchin ayaa sheegay in go’aanka ah in uusan shirkaasi ka qayb galin uu qaatay ka dib kulan uu la qaatay madaxwayne Trump iyo xoghaya arrimaha dibadda Mike Pompeo.

Shirwaynahan maalgashiga ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Riyadh ee xarunta boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkani maalgashiga lagu wadaa inuu qabsoomo 23 ilaa 25 October ayaab waxaa lagu qaban doonaa caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Waxaa shirkan martigalinaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman si uu u horumariyo ajandihiisa isbadalada iyo Qorshihiisa casriyaynta dhaqaalaha iyo bulshada

Go’aanka qaadacaada labada dowladood ayaa la sheegay inuu dhabarjab wayn ku yahay dhaxal-sugaha Sacuudiga oo sumcadii uu caalamka ku lahaa ay si weyn hoos ugu dhacday dilka kashoqgi awgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -