Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ka tirsan Koonfurta qaarada Amerika oo dalkeeda ka eriday Safiirkii Israel

Madaxweynaha Colombia Gustavo Petro ayaa isbarbar dhigay go’doomintii reer Israel ee Gaza iyo ficilada Nazigii Jarmalka.

Gustavo Petro ayaa xoojiyey dhaleeceyntiisa Israa’iil wuxuuna soo jeediyay in waddankiisu uu joojinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa Yuhuuda, halka Wasiirkiisa arrimaha dibedda uu amar ku siiyey safiirka dalka Israel inuu ka baxo dalkooda.

Colombia ayaa xiriir diblomaasiyadeed la laheyd Israel iyo maamulka Falastiin labaatankii sano ee la soo dhaafay.

Petro ayaa diiday inuu cambaareeyo weerarka Xamaas ku qaaday Israel, kaasoo dagaalyahannada ay ku dileen boqolaal qof oo iskugu jira rayid iyo askar.

Waxaa uu sheegay in ficilada Xamaas ay yihiin mirihii ka dhashay dhulka ay Israel xoogga ku qabsatay iyo gumaadka ay ku heyso shacabka reer Falastiin.

Waxaa uu sheegay in Xamaas ay leysay dad badan oo shacab ah balse falka ay ku kacday  aan lagu baneysan karin dhiiga shacab malaayiin gaaraya oo falastiiniyiin ah.

“Haddii ay tahay inaan ka joojino xiriirka shisheeye ee lala yeesho reer binu Israa’iil, waan ka joojinay. Annagu ma taageerno xasuuqyada” ayuu yiri Madaxweynaha Colombia.

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo amar siiyey Ciidamada Booliska Puntland ee Garoowe

Caydiid Ali

Weerar dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay degmada Dayniile

Caydiid Ali

DF oo Turkiga ka dalbatay in la baaro Soomaali ku geeriyootay Xadka Turkiga iyo Gariiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---