Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay degmada Dayniile

Saddex qof ayaa lagu dilay mid kalena waa lagu dhaawacay ka dib weerar hubeysan oo caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa yimid ka dib markii dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan ay rasaas gaadmo ah ku fureen bar kontrol oo ciidamada amniga DF ku leeyihiin degmada Dayniile.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada, nin horey Gudoomiye Waaxeed uga soo noqday degmada Hodan iyo wiil ku sugnaa Kontrolka la weeraray, halka askari kalena uu dhaawac soo gaaray sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Dableydii weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgal ay ciidamada dowladu ka wadaan nawaaxiga goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo baadi goobaya ragga weerarka soo qaaday.

Maamulka degmada iyo laamaha amaanka dowlada ayaan weli wax war ka soo saarin weerarkan oo khasaaraha geystay ee caawa ka dhacay degmada dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Axmed Madoobe oo ku dhego hadlay Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Ra’isul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta

Cabdi Cade

Booliiska Soomaaliya oo farriin u diray taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---