Allbanaadir.com
NEWS

Tirada dadka Falastiin ee lagu dilay Duqeymaha Israel iyo kuwa la la’yahay oo la shaaciyay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kasoo gaaraya dadka shacabka duqeymaha arxan-darrada ah ee Israel ku garaaceyso magaalada Gaza iyo magaalooyin kale oo kuyaalla dhulka Falastiin.

Ciidamada Israel ayaa isbuucii labaad duqeymo culus ku garaacaya magaalada Gaza, waxa ayna magaalada noqotay mid bur burtay ,sidoo kale ka barakaceen inta badan dadkii magaaladaasi kunoolaa.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas Eyad Al-Bozom,ayaa sheegay in duqeymaha Israel ilaa hadda inta la xaqiijiyay ku dhinteen dad ka badan 2,750 oo qof, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 9,700 .

Eyad Al-Bozom, ayaa sheegay in ay jiraan dad ka badan kun qof oo nolol iyo geeri lagu la’yahay, waxa uuna sheegay dadkaasi qaarkood ay ku hoos jiraan dhismayaasha ku bur buray duqeymaha Israel.

Israel ayaana wali sii wada duqeymaha ay ku garaaceyso magaalada Gaza iyo deegaano kale oo Falastiin katirsan, waxa ayna duqeymaha sii badinayaan dhimashada shacabka aan waxba galabsan ee Falastiin oo lagu fiirsanayo xasuuqa Yahuuda u geesaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo Balcad u tagay kormeerka Mashruuc weyn oo Qatar fulineyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay in ka badan 400- oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade

Jubbaland oo fariin u dirtay Farmaajo ka dib go’aankii Rooble, Galmudug & Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---