Rag heestay Malaayiin Dollar oo been abuur ah oo lagu qabtay Nairobi (Daawo Sawirada)

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafad katirsan magaalada Nairobi waxa ay kusoo qabteen sadex nin oo guri ku heestay Malaayiin Dollar oo been abuur ah

Sadexda nin ay xireen ciidamada booliiska ayaa mid kamid ah waxa uu dhashay dalka Kenya halka labada kale kasoo jeedaan dalka Chad, waxaana ragan ku socda baaritaano xoogan.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in ciidamada gudaha u galeen guri kuyaala xaafada Westlands ee magaalada Nairobi, waxa ayna ciidamada gacanta ku dhigeen lacag gaareysa  9.9 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Saraakiisha booliiska magaalada Nairobi ayaa sheegay in ragan lacagta lagu qabtay ay isugu jireen Dollar iyo Euro, waxaana lacagta been abuurka ah ee ragan lagu qabtay la wareegay laamaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -