Gudoomiye Barnaamij “Madaxda Hirshabelle dhamaantood waxay xarun ka dhigteen Muqdisho”

Gudoomiyaha Golaha Badbaadda Hirshabeelle Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij) ayaa dhaliilay kulan ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda Sare ee Hirshabeelle iyo Gudi Xildhibaano ah oo ka socday Aqalka Sare .

Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa yiri “Xarunta Hirshabeelle waa jowhar,  waxaa nasiib daro ah in Muqdisho gudiga xildhibaanada  Aqalka Sare lagula kulmo Muqdisho iyadoo Maamulada kale lagula kulmay Magaalo Madaxyada Maamul Goboleedyada, tani waxay salka ku haysaa dareen la’aanta siyaasadeed ee  Madaxweyne Waare”

Gudoomiye Barnaamij oo Baaq u diray Hogaanka Hirshabeelle ayaa yiri “Madaxweynaha, Madaxweyne ku Xigeenka,  Gudoomiyaha Barlamaanka, iyo Xildhibaanada, Wasiirada, Agaasimayaasha waxan ku boorinayaa in ay ku laabtaan Hirshabeelle, waxaa nasiib daro ah 95% Hogaankii, Xildhibaanadii iyo Howlwadeenadii Hirshabeelle in ay joogaan Muqdisho”

Gudoomiyaha Golaha Badbaadda Hirshabeelle Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan (Barnaamij)

Gudoomiyaha Barnaamij oo Xildhibaanada Barlamaanka baaq u dirayay ayaa yiri “Waan uga mahad celin Gudoonka Barlamaanka iyo Xildhibaanada Isla xisaabtanka aad sameyseen bilowgii kalfadhiga, waxan idiin soo gudbinayaa dareenaka shacabka oo ah in xili badan uu kulumay fasax dheer oo aan fasiraad lahayn, waxa shacabka Hirshabeelle idinka fadhiyaan in si geesinimo le ula xisaabtantaan Madaxweyne Waare, Waqtigii kalfadhiga ka lumayna dib uga kabtaan kalfadhigaan taasoo sharaftiina kor usii qaadi doonto”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -