Mareykanka oo Shaaciyay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay ka fuliyeen Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn Diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ku dileen dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee (Africom) ayaa lagu sheegay in shalay Duqeyn la beegsadeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa meel 40-km u jirta magaalada Kismaayo.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ayaa sheegay in duqeynta ay la beegsadeen dagaalyahanada Al Shabaab jawaab u aheyd weerar ay kusoo qaadeen fariisimo ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntan ku dileen sagaal dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab, waxaana taliska Mareykanka sheegeen in wax khasaaro ah duqeyntan uusan kasoo gaarin dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan qeybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan deegaano ay maamulaan dagaalyahanada Al Shababa ee dagaalka kula jira dowlada Soomaaliya iyo xulufadeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -