Shil Argagax leh oo maanta ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw laamiga dhinac mara Xerada ciidanka Cirka Afesiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacay shil argagax leh, kadib markii ay si xun isugu dhaceen mooto bajaaj iyo gaari weyn oo nuuca xamuulka qaado ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in mootada iyo gaariga isku dhaceen xili mootada ay xowli ku socotay, waxaana mootoda ay kusii dhacday kana dhax baxday darbi ka dhisnaa laamiga dhinaciisa.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa si xun ugu dhaawacmay shilkan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ruuxa dhaawacmay oo si deg deg ah loogu qaaday mid kamid ah Isbitaalka Muqdisho.

Dad badan oo soo gaaray goobta uu shilku dhacay ayaa aad uga argagaxay sida uu shilku u dhacay, waxaana goobta shilku ka dhacay sidoo kale soo  gaaray ciidamo katirsan Taraafikada kuwaa oo bilaabay baaritaanka sida uu shilkan u dhacay.

Shilalka ay inta badan sababaan mooto bajaajta ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhawaan shilkan oo kale oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne ku dhintay labo ruux oo Mooto la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -