Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Israel oo 24 gudahood duqeyn ku xasuuqday 320 Falastiiniyiin ah

Dad Falastiiniyiin ah oo ku dhaawacmay duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay magaalada Deir el-Balah ayaa la dhigay isbitaalka Al-Aqsa.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay duqeymo ay Israa’iil ku garaacday guri ku yaalla aaggaas, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee Wasaaradda arrimaha gudaha Falastiin.

Dhinaca kale, Mohammed Edwan, oo 16 jir ah, ayay ciidamada Israel ku toogteen degaanka Tulkarem, oo waqooyi galbeed ka xigta daanta galbeed, sida ay sheegtay wasaaraddu.

In ka badan 320 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, duqeymo ay diyaaradaha Israa’iil ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo ka baxsanayay Magaalada Gaza, kuwaasoo oo ay ku jiraan haween iyo carruur badan sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Khasaaraha sii kordhaya ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Gaza maalin kadib markii ay u sheegtay 1.1 milyan oo qof oo deggan woqooyiga Gaza inay u jiheystaan dhanka koonfureed ka hor weerar dhulka ah oo soo socda kaasoo jawaab u ah weerarkii Xamaas ee gudaha Israa’iil todobaadkii hore.

Ugu yaraan 2,215 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 8,714 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada cirka ee Israa’iil ay ku qaaday Qaza. Tirada dadka lagu dilay Israa’iil ayaa gaartay 1,300, iyadoo in ka badan 3,400 ay ku dhaawacmeen.

Daanta Galbeed ee la haysto, tirada Falastiiniyiinta ee ay Israa’iil ku dishay usbuucii la soo dhaafay waxay kor u dhaaftay 50 qof in ka badan 1,000 kalena waa la dhaawacay, iyadoo boqolaal kalena waa la xiray.

 

 

Related posts

Mareykanka & DF Somalia oo iska kaashaday duqeymihii Sh/dhexe

Caydiid Ali

Madaxda dowlada oo sameysanaya Xisbi ay kaga qeyb galaan doorashada 2020

Caydiid Ali

(Sawirro) Haweeney guulo ka soo hoysay Ciyaarihii Olomikada oo Meydkeeda la helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---