Allbanaadir.com
NEWS

Diblumaasi u dhashay Israel oo lagu tooreeyay Beijing iyo Israel oo ka hadashay

Wararka ka imaanaya magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa sheegaya in toorey lala dhacay laguna dhaawacay diblumaasi u dhashay Israel, oo ku sugnaa gudaha magaalada Beijing.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel war kasoo baxay ayaa lagu shaaciyay  in toorey lagu dooxay diblomaasi sare oo ka tirsan Safaarada ay Israel ku leedahay Caasimadda dalka Shiinaha.

Weerarkan lagu dhaawacay diblumaasiga u dhashay Israel ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn dhismaha Safaarada Israel,waxaana dhaawaca diblumaasiga loola cararay oo lagu daweenayaa isbitaal kuyaalla magaalada Beijing.

Israel warbaahinta laga leeyahay ayaa qaarkood tibaaxeen in weerarka lagu dhaawacay diblumaasiga Israel u dhashay uu u muuqdo mid argagaxiso, mana jiro faah faahino badan oo laga bixiyay dhaawaca gaaray diblumaasiga Israel kasoo jeeda.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada  Israel iyo xoogaga jihaadiga ee Xamaas, waxaana dagaalkan uu galaaftay nosha dad ka badan labo kun oo qof iyo dhaawacyo kumanaan kale ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muslimiinta kunool Dalka Kenya oo Jimco kasta dhigaya Banaan bax ay uga soo horjeedaan…

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii uu ku joogay dalka Qadar (Sawirro)

Caydiid Ali

Cumar Filish oo amar adag ku soo rogay shacabka iyo ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---