Muslimiinta kunool Dalka Kenya oo Jimco kasta dhigaya Banaan bax ay uga soo horjeedaan…

Ciidamada amaanka dalka Kenya gaar ahaan kuwa la sheegay in ay kahor tagayaan argagaxisada ayaa beegsi joogto ah ku haya Muslimiinta kunool Kenya ,waxaana ciidamadaasi ay dileen dad badan halka kuwa kalana aan la ogeyn halka ay la aadeen.

Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya ayaa si weyn uga walaacsan beegsida ciidamada gaarka ah ee ATPU ku hayaan shacabka Muslimiinta Kenya ,waxa ayna dowlada ugu baaqeen in la joojiyo beegsiga iyo xadgudubka lagu hayo dadka Muslimiinta ah.

Qoraal ay soo saareen Golaha Sare ee Muslimiinta dalka Kenya ayaa wacad ku maray inay Jimco walba salaada khudbada kaddib ay dhigi doonaan dibad baxyo waa weyn ay uga soo horjeedaan dilalka iyo dhibaatooyinka lagu hayo Muslimiinta Kenya.

Guddoomiyaha (SUPKEM) Al Hajj Hassan Ole Naado ayaa sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa ka hortagga argagixisada ee loo yaqaan ATPU ay si aan caddaalad ahayn u beegsanayaan Muslimiinta.

“Tan oo qeyb ka ah olole ballaaran oo aan ku difaaceyno xuquuqdeenna, laga bilaabo Jimcaha soo aaddan waxaan Muslimiinta dalka ugu baaqeynaa inay isu soo baxaan khudbada kaddib si looga cawdo caddaalad darradan,” ayuu yiri Naado.

Banaan baxan loogu baaqay Muslimiinta kunool dalka Kenya ayaa xal loogu raadinayaa in ciidamada dowlada Kenya joojiyaan beegsiga iyo dilalka ay u geesanayaan dadka muslimiinta ah ay ku shabadeeyaan argagaxisin imoi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -