Allbanaadir.com
NEWS

Tirada madaafiicda lagu garaacay magaalada Gaza oo la shaaciyay

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maalintii todobaad oo xiriir ah duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Ciiddanka Israel ayaa ka hadlay tiro-koobka madaafiicdii ay sida arxan-darada leh ugu duqeeyeen magaalladda Qasa iyo guud ahaan deegaanada marinka Qasa lixdii maalmood ee la soo dhaafay.

Wargeyska The Washington Post waxa uu ka soo xigtay khubaro milliteri in ay diyaaradaha dagaalka Israel 6,000 oo Gantaal ku duqeeyeen magaallada Qasa muddo 6 maalmood oo keliya.

Ciidamada Israel ayaa duqeymaha ay ka wadaan dhulka Falastiin ku dilay dad ka badan kun qof oo shacab ah, halka kumanaan kun oo qof kalana lagu dhaawacay duqeymaha ku socda Gaza.

Related posts

RW Xamse Barre oo shaaciyey hal arrin oo ay ka rajeynayaan dhigiisa Abiy Ahmed

Caydiid Ali

Senator caan ah oo katirsanaa Aqalka Sare oo goordhaw geeriyooday

Cabdi Cade

Qoor Qoor iyo Mahad Salaad oo lagu soo dhaweeyay Deegaan Shalay Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---