Allbanaadir.com
NEWS

Senator caan ah oo katirsanaa Aqalka Sare oo goordhaw geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa dalka Turkiga ku geeriyooday Senator Mohamed Cali Yusuf (Gaagaab) oo katirsanaa xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana Senatarka laga soo doortay dowlad goboleedka Puntland.

Sida ay eheladiisa xaqiijiyeen Senator Gaagaab ayaa u geeriyooday xanuuno muddooynkii dambe hayay, waxaana geerida Senatorka aad uga naxay kana tacsiyadeeyay siyaasiyiin badan oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Senataro Mohamed Cali Yusuf (Gaagaab), ayaa ahaa oday in badan kusoo dhax jiray siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna horey usoo noqday Madaxweyne kuxigeenkii maamul goboleedka Puntland, waxa uu sidoo kale soo qabtay xilal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 100-qof oo ku dhimatay Biyo xireen soo dumay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Duulimaad Toos ah oo isku xiraya Garawe iyo Djabuuti oo la daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo Itoobiyaan oo lagu wareejinayo Amniga Doorashada ka dhaceysa Baladweyne!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---