Allbanaadir.com
NEWS

Jeneraal Asad Diyaano oo arrimo muhiim ah kala hadlay Mario Daccò Coppi

Taliyaha cusub ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, Janaraal Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya Mudane Amb. Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee labada dal, iyada oo ay qeyb ka tahay la-dagaallanka argagixisada, kordhinta tababarada iyo taageerada dowladda Talyaaniga ay siiso Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulanka dhaxmaray Jeneraal Asad Diyaano iyo Danjiraha dowladda Talyaaniga , waxaa laga hadlay doorka dowladda Talyaaniga ee ku aaddan horumarinta howlaha booliska iyo xaqiijinta nabadgelyada gudaha Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxa ayna Talyaaniga tababaro iyo agabyo kale ku taageertaa ciidanka dowladda Soomaaliya, waxa ay sidoo kale Talyaaniga gudaha Soomaaliya ka fuliyaan mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo xariga ka jaray Mashruuc weyn oo laga hirgeliyey Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiin & xoogag ka tirsan Al-Shabaab oo Jubadda hoose lagu duqeeyey

Caydiid Ali

Erdogan oo bixiyay xogta tirada dhaawacyada Xubnaha Xamaas ee lagu daweenayo Turkiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---