Sawirro: Laftagareen oo dhoollatus ka sameeyay Baydhabo xilli Duufaan siyaasadeed ay…

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diiran ugu soo dhoweyey garoonka diyaaradaha  Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxa uuna halkaasi kula soo kulmay wakillo katirsan beesha caalamka , madax maamul goboleed iyo siyaasiyiin.

Soo dhaweynta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa u muuqatay dhoollatus siyaasadeed, xilli uu wajahayo duufaan siyaasadeed iyo mucaaradad xooggan oo kaga imaaneysa siyaasiyiinta ugu waa weyn ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweyne Laftagareen ay hormuud u yihiin guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawwaan sheegay in Baydhabo tagayaan , iyaga oona ka digay in laga baxo heshiiskii Baydhabo horey loogu gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -