Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal Maxaas ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo Macawisley

Waxaa caawa deggan xaaladda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo gelinkii dambe ee maanta Dagaal uu ku dhaxmaray  Ciidamada Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka iyo ciidamada Macawisley ee beesha Xawaadle

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Khaalid Binu-waliid ay si bareer ah u dileen mid kamid ah ciidanka deegaanka gudaha degmada Maxaas taasoo keentay in dagaalka qarxo.

Ugu yaraan  afar qof ayaa dagaalka ku geeriyootay kuwaasoo ah dhinacyadii dagaalka dhax maray, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen mana jiro khasaaro shacabka soo gaaray.

Ciidankii dagaalamay ayaa lagu guuleestay in la kala qaado waxaana hadda degan xaaladda magaalada, iyadoo xalinta dagaalka ay soo fara geliyeen odayaal iyo saraakiil ka tirsan ciidamada halkaas ku wada sugan.

Ciidankan dagaalamay ee ku wada sugan Maxaas ayaa leh hal cadow oo ah Al-shabaab, dad badan ayaana nasiib daro ku tilmaamay dagaalka dhexmaray

Related posts

Turkiga oo ka xumaaday xil ka xayuubintii Wasiir Jaamac

Caydiid Ali

Safiirka dowladda Denmark oo raaligelin ugu tagay Wasiir Axmed Fiqi (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax xooggan oo goor dhoweyd ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---