Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Jubbaland oo fashiliyey qaraxyo ay diyaarisay Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka amniga Jubbaland ee fadhigoodu yahay degmada Dhoobley ayaa sameeyey howlgallo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada xaafadaha kala duwan ee degmada.

Ciidanka ayaa intii howlgalku socday ku guulaystay inay fashiliyaan gacantana ku dhigaan qaraxyo ay kooxda Al-shabaab gelisay qaar ka mid ah jidadka soo gala magaalada.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan  oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee gobolka Gedo Jeneraal Cabaas Ibraahim Gurey iyo ku xigeenkiisa Gashanle sare Ali Xasan Deer (Cali Abshir) Guddoomiyaha degmada Doolow iyo siyaasiyiin ayaa maanta kormeeray xeryaha cusub ee loogu talagalay ciidanka kala duwan ee Dowladda Jubbaland ee gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa wuxuu bogaadiyay diyaar garowga ciidanka isagoo kula dardaarmay inay u diyaargaroobaan sugidda amniga gobolka iyo isku furka degmooyinka iyo deegaanada iyagoo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Gedo.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo qodob muhiim ah kala hadlay dhigiisa Nikola Selakovic

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo kormeeray Xarumo & Suuqyo ku yaalla Boosaaso

Caydiid Ali

Putin oo xajiiyey in Ruushku uu markii u horeysay adeegsaday..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---