Allbanaadir.com
NEWS

Is qabqabsi ka dhashay Magaca Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay Xasan Sheekh

Magaalada Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Xisbi ay ku mideesan yihiin Xisbiyo Siyaasadeed oo u badan Mucaarad iyo Kutlad  Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xisbigan Gudoomiye u ah Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbigan uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu magac daray Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda, waxaana xisbigan ku mideesan Siyaasiyiin caan ah iyo Xildhibaano u badan kooxdii Qabyo.

Waxaa durba soo shaac baxaya is qab qabsi ka dhashay magaca xisbigan uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , waxaana magaca xisbigan sheegtay in isagu lee yahay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed C/laahi Sheekh Xasan .

Qoraal uu barta Facebooka soo dhigay Siyaasiga C/laahi Sheekh Xasan ku sheegay in magaca xisbigan loo diiwaan galiyay xiligii uu dalka Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

“Mudana adiga oo mahadsan Xisbiga aad Magiciisa aad labaxday waa xisbi aad taqaano waana xisbigi aniga oo gudoomiya ka ah aad Madaxweyne wadanka ka eheed,Waana Xisbigi Dowladaadi dhaliilaheeda Bulshada usoo bandhigi jiray.Ilaa aad marki aad runtii u’addkeeysan weeyday aad amartay in leey dilo 15 August2015 4:00 habiinimo Nasiib wanaag teeyda oon gelin darteed ayaa Alle iga badbaadshay Shirqoolki aad iisoo maleegtay”

Xisbiga cusub ee loo doortay in Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo ayaa lagu magacaaba Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda  (Union For Peace and Democratic- UPD) halka Xisbviga C/laahi Sheekh isna yahay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed (Somali Peace and Democratic Union- SYPDU).

 

Related posts

Dowladda Itoobiya oo weerar ku qaaday gobolka Tigrey iyo kooxda TPLF oo war kasoo saaray

Cabdi Cade

Ciidan badan oo kasoo jeeda Beesha Murusade iyo Gaadiil dagaal oo Muqdisho ka baxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo ka bad baaday Qorshe Al Shabaab ku dili rabeen

Cabdi Cade