Allbanaadir.com
NEWS

Hoggaamiyihii xukuumadda gooni u goosadka ah ee Nagorno-Karabakh oo la qabtay

Ciidamada amniga dalka Azerbaijan ee dhawwaan la wareegay gobolka Nagorno-Karabakh  ayaa gacanta ku dhigay hoggaamiyihii hore ee xukuumadda gooni u goosadka ah ee gobolkaasi u qaabilsanaa dowladda Armenia Ruben Vardanyan.

Hoggaamiyahan ayaa gacanta lagu dhigay xilli uu isku dayay in uu ka baxsado gacanta milatariga Azerbaijan ee la wareegay gobolka Nagorno-Karabakh , waxaana hoggaamiyahan loo duuliyay caasimadda Azerbaijan ee Bako.

Milatariga dalka Azerbaijan ayaa howlgalo ka wada gobolka Nagorno-Karabakh ay isku heesteen dowladda Armenia, waxa ayna milatariga Azerbaijan qabshada gobolkaasi ku muujinayeen xariga ay u geesteen hoggaamiyihii hore ee gobolkaasi.

Gobolka Nagorno-Karabakh waxaa ka qaxay oo isaga cararay dad gaaraya 47,000 oo ka mida 120,000 qof ee Armeniyiinta ahaa ee gobolkan ku noolayd, waxaana hoggaamiyaha la qabtay uu qeyb ka ahaa dadka doonayay in ay baxsadaan.

Dowdalaha Azerbaijan iyo Armenia ayaa horey dagaallo culus ugu dhax mareen gobolka Nagorno-Karabakh , waxaana hadda muuqata in dowladda Azerbaijan si buuxda ula wareegtay gobolkan oo katirsanaa dalkeeda.

Ruben Vardanyan, a former top official in the separatist ethnic Armenian administration of Nagorno-Karabakh, is detained by Azerbaijan's border service personnel in this picture released Sept. 27, 2023. (State Border Service of Azerbaijan via Reuters)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in fadqalallo ka dhax wado ciidamada !!

Cabdi Cade

Booliiska oo qabtay burcad hubeesan oo dhac ka geesaneysay xaafado katirsan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Cabdiweli Muudey oo Muqdisho kusoo laabtay Dhoolo Tus cajiib ahna sameeyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade