Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka ka socda Sudan oo sii xoogeestay iyo Qaraxyo la maqlayo

Waxaa sii xoogeesanaya dagaalka iyo duqeymaha culus oo ka socda magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhalanaya dagaalka.

Qaraxyo ayaa Isniinta maanta ah ruxay caasimadda Sudan ee Khartuum, ayada oo dagaalka u dhaxeeya militariga iyo ciidamada sida militariga u tababaran ee ay kala hoggaamiyaan jeneraalada iska soo horjeeda uu gala maalinkii saddexaad.

Khasaaraha dhimashada dagaalka ayaa dhaafay 100 qof, sida laga soo xigtay kooxaha caafimaadka.

Rabshadaha ayaa dillaacay Sabtidii kadib toddobaadyo ay awoodda isku haysteen labada Jeneraal oo xukunka ku qabsaday afgambi 2021-kii, kuwaas oo kala madaxa ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku-xigeenkiisa Mohamed Hamdan Daglo oo hoggaamiyaha ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic.

Dagaalka xooggan, oo ay qeyb ku yihiin duqeymo diyaaradeed, taankiyo iyo hubka lidka diyaaradaha iyo rasaas xooggan ayaa ka socda xaafado ka tirsan Khartuum iyo magaalooyinka kale ee Sudan.

“Dhimashada shacabka waxay gaartay 97 qof,” waxaa sidaas sheegay midowga Dhaqaatiirta Sudan, ayaga oo goor dambe intaas ku daray in sidoo kale “daraasiin” dagaal-yahanno ah la dilay.

Tiradan kama dhigna dhimashada guud, ayada oo kuwa badan aan la gaarsiin karin isbitaallada sababo la xiriira dhaqaaqa oo adag, dagaalka xooggan dartiis.

Golaha Dhexe ee Dhaqaatiirta Sudan, oo ah urur kale oo taageera dimoqraadiyadda, ayaa sidoo kale ku warramay dhimashada daraasiin ay ku jiraan ciidamada ammaanka, iyo dhaawaca 942 qof.

Ayada oo uu jiro codsi baahsan oo ay sameeyeen kooxaha caafimaadka oo ku aadan in la ogolaado dhaq-dhaqaaqa dadka dhaawaca ah, labada dhinac ah ayaa Axaddii ogolaaday hindise ay soo jeediyeen QM oo ku saabsan in la daad-gureeyo dhaawaca, hase yeeshee xabaddu ma aanay istaagin.

Eregyga gaarka ah ee QM Volker Perthes, oo ku sugan Khartuum, ayaa sheegay “inuu si aad ah uga niyad jabsan yahay,” guuldarrada laba dhinac ee ku aadan inay u hoggaansamaan hakinta kooban.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa ka digay in “dhowr” ka mid ah sagaalka Isbitaal ee Khartuum “oo lasoo gaarsiiyey shacab dhaawac ah ay ka dhammaaden qalabkii dhiigga lagula shubi lahaa.”

Rabashadaha ayaa ku qasbay shacabka Sudan ee argagaxsan inay gabbaad ka dhigtaan guryahooda, ayaga oo ka cabsi qaba in dagaalka sii dheeraado, dalkuna lugaha la galo qalalaase.

Ciidamada Dacmu Sariic ama RSF ayaa waxaa lagu aas-aasay xukunkii madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir 2013-kii, waxayna ka dhasheen maleeshiyadii Janjaweed ee dowladdiisa ay u adeegsatay bulshada laga tirada badan yahay ee aan carabta aheyn ee gobolka Darfur 10 sano kahor xilligaas.

Dagaalka ayaa qarxay kadib khilaaf xooggan oo dhex-maray Burhan iyo Daglo oo ku aaddan qorshe ciidamada Dacmu Sariic loogu dhex dari lahaa ciidamada militariga — taasi oo shuruud muhiim u aheyd heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjari lahaa xasaradaha ka dhashay afgambigii 2021 ee ay labadooda isla agaasimeen.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay dagaalka, waxaana mid walba uu sheegtay inuu ku gacan sarreeyo dagaalka, ayaga oo shaaciyey gacan ku haynto goobo muhiim ah, oo ay ku jiraan garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada — kuwaasi oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -