Siyaasi Nuur Ismaaciil oo baaq Mihiim ah u diray Madaxda Dowlada iyo Ganacsatada

Duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad badan oo barakacayaal ah islamarkaana iskugu jira Haween Caruur iyo dad da’ah kuwaasi oo hada la sheegayo inay wajahayaan Xaalado Nolol Xumo  tii Ugu darned Waxa ayna Xiliyo badan ku baaqeen in wax loo qabto.
Siyaasiga Da’da yar Nuur Ismaaciil Sheekh oo ka hadlayay Xaalada ay ku nool yihiin dadka Barakacayaasha Ee ku dhaqan Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in Mas’uuliyad weyn leyska saaro caawinta Dadkaasi.
Waxa uuna xusay siyaasiga Nuur Ismaaciil sheekh in Maamulka Gobolka Banaadir iyo ganacsatada Dhamaantood looga baahanyahay inay Ugurmadaan dadkaasi waxa uuna hoosta ka Xariiqay in xiligan la joogo waqtigii bulshada Soomaliyeed Dhaxdeeda ay is taaku leys laheyd.
Si kataba ha ahaatee warkan ka soo baxay siyaasiga lagu magacaabo Nuur Ismaaciil Sheekh ayaa imaanaya  Xili dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Duleedka Magaaalada Muqdisho ay wajahayaan Xaalado ay ka mid yihiin Caafimaad daro iyo hoy la’aan intaba waloow aysan jirin cid isku Xil qaantay in Wax loo qabto dadkan marka laga tago hay’adaha qaar oo wax sidaasi aan usii buurneen siiya Mararka qaarkood .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -