Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Madaale oo Shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay galaan feejignaan iyo taxadar

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta booqasho ku tagay xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, waxaana halkaas ku soodhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda Mareeynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Hay’adda Maareynta, guddoomiye ku xigeenka SoDMA iyo dhamaan madaxda kale ee hay’adda,waxaana guddoomiyaha looga warbixiyey cabsi xoogan oo laga qabo in guud ahaan Wadanka ka da’o Roob xoogan oo ka badan cadadii la sugayey taas oo ka dhalan karta Fatahaado,iyo daadadka El-Niño.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyed si gaar ah shacabka caasimada ugu baaqay in ay feejignadaan taxadar dheeri ahna ka muujiyaan Roobkaan oo aad u xoog badan,kana xajimi badan kuwii hore,lagana fogaado goobaha biya mareenada ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo la kulmay wafdigii Golaha amniga & Nabada Midowga Afrika (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Masuuliyiin katirsan Jubbaland oo booqday deegaan Al Shabaab laga saaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan DF oo lagu laayey weerar ka dhacay Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---