Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-shabaab oo dhaqdhaqaaq cusub ka bilaabay degaano ka tirsan gobolka Gedo

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa iney dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen degaano hoos taga gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay jidgooyo dhigteen wadada u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Doolow, halkaasoo ay gaadiidka uga qaadayaan lacago lagu sheegay canshuur.

Ciidanka Al-Shabaab waxa la sheegay in ay bar koontarool ka sameysteen deegaanka la yiraahdo Geedweyne, halkaasoo ay maraan dadka shacabka ah ee doonaya inay isaga kala gudbaan labada magaalo.

Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ayaa sheegay in ay bilaabayaan qorshe Al-Shabaab looga nadiifinayo wadada u dhaxeysa Doolow iyo Luuq, guud ahaana looga saarayo gobolka.

Waxaa uu intaas ku daray in maamulkiisu u dulqaadan doonin kooxaha ka tirsan Al-shabaab ee jidgooyada dhigtay, wuxuuna ku hanjabay iney saacadaha soo socda ka howlgeli doonaan.

Related posts

Mucaaradka Somaliland oo ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Eng. Yariisow

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Gudoomiyay kulan Hordhac u ah Shirka Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha ciidanka XDS oo abaabul dagaal ka wada Baxdo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---