Xasan Shiikh & Siyaasiyiinta Mucaaradsan dowlada oo hal xisbi ku Midoobay

Xisbi cusub oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo magaalada Muqdisho maalmaha soo aadan.

Xisbigan uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in Khamiista looga dhawaaqi doonaa magaalada Muqdisho ayaa loo bixiyey (Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda), waxaana ku midoobay Xisbiga Daljir iyo Kutladii Horusocod ee xildhibaanadii qabyo ay ku jireen, waxaana ku wehliya siyaasiyiin kale.

Wararka ayaa sheegay in xisbiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ee Wadajir oo hore loogu waday inuu ka mid noqdo xisbigan cusub uu ka hakaday arrimo aan la shaacin dartood.

Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa kulankiisii ugu horeeyay isugu yimid magaalada Muqdisho, iyadoo dastuurkiisa lagu ansixiyay, laguna doortay Guddoomiye KMG ah oo laga dhigay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo kulanka ay ka dhex muuqdeen xildhibaanadii Qabyo iyo xubnaha xisbigi Daljir ee shalay la kala diray.

Ku dhawaaqidda xisbiga Midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda UPD ayaa loo soo hormariyey, iyadoo la filayo in Xasan Shiikh uu ka dhoofo dalka, isagoo ku sii jeeda qaaradda Yurub oo olole siyaasadeed uu ka bilaabi doono.

Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa il gooni ah ku heysa dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan madaxdii hore ee dalka qaarkood iyo siyaasiyiinta Mucaaradka, iyadoo la isweydiinayo saameynta ay mucaaradka isbaheystay ku yeelan kaaraan Siyaasada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -