Allbanaadir.com
NEWS

Kontaynaro caawa si qarsoodi ah looga saarayey dekeda Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ilaalada ka ah dekeda Muqdisho ayaa caawa qabtay dhowr Kontaynar oo la isku dayey in si qarsoodi ah looga saaro dekeda

Sarkaal ka tirsan booliska ayaa warbaahinta u sheegay in kontaynaradan laga soo dejiyey markab taagan dekeda Muqdisho, ayna ku jiraan khamri aad u fara badan oo la doonayey in gudaha Muqdisho lagu iibiyo.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ciidamada amaanku ay xireen qaar ka mid ah ganacsatadii wadatay khamrigan faraha badan.

Booliska dekeda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada nabad sugida Soomaaliya ay ku wareejiyeen konteynaradan, maalinta beri ah la qorsheynayo in saxaafada loo soo bandhigo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh: “Waa nasiib daro weyn wixii maanta ka dhacay Garowe”

Caydiid Ali

Abaabulka Banaan bax ka dhan ah Madaxweynaha cusub ee Galmudug oo socda 

Cabdi Cade

Wasiir Fiqi iyo Taliye Asad Diyaano oo kawada hadlay Istaraatiijiyad amni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---