Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay Warshad lagu sameeyo Gantaalada iyo Droniska oo ku taalla dhulka hoostiisa

Qarax aad u xoogan oon wali la ogeyn waxa uu yahay ayaa ruxay warshad ku taalla magaalladda Khorram Abad ee Gobalka Lorestan ee Galbeedka dalka Iran, gaar ahaan meel ku dhaw saldhig milatari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu qaraxa ka dhacay meel ku dhow saldhigga Imaam Cali ee ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran, saldhigan ayaana xarun u ahaa warshad dhulka hoostiisa ku taalla oo lagu farsameeyo gantaallada iyo diyaaradaha Droneska.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maaraynta Xasaradaha ee gobalka Lorestan oo la hadlay Telefishinka Qaranka Iran ayaa sheegay in waxa dhacay aysan fileyn in uu yahay dhul-gariir, waxa uuna tilmaamay in ay tuhmayaan in waxa dhacay uu yahay qarax.

Saraakiil katirsan dowladda Iran ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno ku aadan wax dhacay, waxa ayna xuseen in warbaahinta iyo bulshadaba dib kala wadaagi doonaan dhawaqa qaraxa la maqlay iyo waxa uu ahaa.

Warshadaha hubka dowladda Iran ayaa marar kala duwan lala beegsaday weeraro qorsheysan, mana cada hadda qaraxa la maqlay in uu ahaa weerar iyo in warshada gudaheeda qarax ka dhacay uu yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha cusub ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada oo xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Booliis Dabin cajiib ah u dhigay kooxo burcad ah (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq muhiim ah u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---