Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War xiise leh oo ka soo kordhay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in la laalay guud ahaanba mooshinkii laga keenay dhowaan Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ilo wareedyo lagu kasoon yahay ayaa allbanaadir online u xaqiijiyey in Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan uu saacadaha soo socda ku dhawaaqayo in mooshinka Madaxweynaha Xildhibaanadii ka keenay ay ka laabteen, iyagoo eegaya xaalada dalka uu ku jiro.

Xildhibaannadii Mooshinka keenay ayaa iyaguna laga soo xigtay in guddoomiye Mursal uu ku qanciyey inay ka laabtaan mooshinka, iyaguna ka yeeleen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu kulankii ugu danbeeyay ee uu la yeeshay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre la isku afgartay inuu waxba kama jiraan ka soo qaado Mooshinka, si xal loogu helo khilaafka keenay inay istaagaan howlihii Baarlamaanka.

Mooshinkan ayaa xiisad ka dhex dhaliye madaxda sare ee dowlada, isagoo walaac ku abuuray shacabka Soomaalida oo ka soo daalay qalaalasaha siyaasadeed ee madaxda dowlada soo dhex gala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeymo iyo dagaal culus oo ka dhan ah Daacish oo bilaabanaya iyo Digniin loo…

Cabdi Cade

Xamaas oo gantaalo ku weerartay Tel aviv & Magaaloyin kale oo ku yaalla Israel

Caydiid Ali

Imaaraadka Carabta oo doonaya in la xiro saldhig Milatari oo dowlada Turkigu leedahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---