Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab iyo Ilaaladiisa oo hal goob lagu dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka shalay ka geesteen deegaan hoostaga degmada Waajid ee gobolka Bakool, waxaana duqeyntan lagu dilay sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in duqeynta lagu dilay Isaaq Cabdullaahi Afey oo katirsanaa saraakiisha sar sare ee kooxda Al Shabaab, waxa uuna sargaalkan si gaar ah uga howlgalayay deegaannada Koonfur Galbeed.

Duqeynta ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sargaalkan katirsanaa Al Shabaab, waxa ayna wasaaradda gaashaandhiiga sheegtay in Isaaq Cabdullaahi Afey lala dilay todobo xubnood oo ilaaladiisa kamid ahaa.

Sargaalkan laga dilay Al Shabaab ee Isaaq Cabdullaahi ayaa kooxda u qaabilsalanaa  hawlgalada iyo isku dubaridada qaraxyada, tashkiilinta iyo abaabulka dhallinyarada, waxa uuna ninkan si dhaw ula soo shaqeeyay Axmed Godane.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada dhinaca cirka ah ay la beegsanayaan saraakiisha Al Shabaab , bilihii lasoo dhaafay saraakiil badan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa lagu dilay weeraro dhinaca cirka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Jubaland oo Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Jubaland (Aqriso)

admin

Nin Soomaali ah oo lagu dilay Xaafadda New Brighton

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ciidamada Midowga Yurub oo tababar casri ah u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xooga dalka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---