Nin Soomaali ah oo ku lug yeeshay Kiis Kufsi iyo Jirdil ah oo ka dhacay Jarmalka iyo Carro…

Kufsi wadareed ayaa ka dhacay beerta loo yaqaano Görlitzer Park ee magaalada Berlin ee dalka Jarmalka iyadoo eedeymaha ka dhanka ah tuhmanayaasha ay leeyihiin tafaasiil kala duwan.

Falka oo ah mid ay dad badan oo reer Jarmal ah ka caroodeen ayaa waxa uu sababay buuq weyn.

Eedaynta kiiskan kufsi wadareedka ah ee ka dhacay Görlitzer Park ee Berlin-Kreuzberg ayaa hadda ah mid si toos ah loo guda galay.

Bartamihii bishii June, saddex nin ayaa la sheegay inay haweeney ku kufsadeen isla markaana qoyskeeda waxyelleeyeen xilli subaxnimo ah. Dembigu waxa uu noqday mid muuqda marka loo eego warbixinnada ay tebinayeen warbaahinta maxalliga ah.

Iyadoo eedeymuhu ay ahaayeen kuwo culus, haddana markii hore ma aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay booliska iyo xafiiska xeer ilaalinta ee Berlin.

Haweeney 27 sano jir ah isla markaana ah hooyo leh labo carruur ah midna uu yahay 4 jir halka ka kalana uu yahay 7 jir iyo ninka qabay haweeeyda ayaa waxa ay ku sugnaayeen beerta uu falkan ka dhacay.

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay waqti ku qaadanayeen beerta halkaa oo ay isku dhunkadeen kadibna ay la kulmeen weerarkan lama filaanka ah.

Labo nin ayaa ninkii qabatay oo garaacday halka nin kalana uu jir dilay isla markaana kufsaday haweeneyda.

Haweeneyda la waxyeelleeyay ayaa carartay oo ka baxsatay burcadda, waxa ayna heshay caawimaad. kadib baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyay ayaa la helay shahwada ninkii kufsaday taasina waxa ay sababtay in gacanta lagusoo dhigo eedeysanaha kufsiga iyo jirdilka u geystan hooyadan.

Eedeysanayaasha ayaa ah saddex nin oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Guinea.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ayaa la sheegay in dalka gudihiisa looga yaqaanno magacyo kala duwan iyadoo uu caan ka yahay xarumaha booliska aadna ay isku arkaan askarta.

Ma haysto hoy uu ku diiwan gashanyahay waxana lagu tiriyaa in uu kamid yahay burcadda dhowrka mar loosoo xiray waxyeellada.

Dhamaan sadexda tuhmane ayaa dhowr mar loosoo xiray waxyaabo la xiriira daroogo iyo weerarro ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Berlin.

Xigasho BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -