Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Daacish Somalia (Akhriso)

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa sheegay inay duqeyn ku dileen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugnaa buuraleyda gobolka Bari maalintii shalay.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayey ku sheegeen in laba xubnood oo ka tirsan Daacish ay ku dileen duqeyntaas oo buuraleyda Golis ka dhacday.

Duqeynta ayuu talisku sheegay in lala kaashaday dowladda Soomaaliya aysana jirin khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool degaanadaasi.

Duqeyntaasi ayaa ahayd tii shanaad ee lala beegsado kooxda Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari tan iyo 14-kii April oo dayuuradaha Maraykanku duqeyn ku dileen Cabdixakiin Dhoqob oo ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -