Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ay horkaceysay Delphine Pronk oo Muqdisho ka soo degay (Daawo Sawirro)

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka  Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen taageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd.

Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.

Waxayna carabka ku adkeysay  in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.

Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.

Related posts

Dowladaa Soomaaliya iyo Canada oo kawada hadlay labo arrin oo dalkeena dan u ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun dil ah oo maanta lagu fuliyay ninkii dilay Korneel Maxamuud Cali Xade (Sawirro)

Cabdi Cade

Askar lagu garaacay kulankii BFS oo Isbitaal la dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---