Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan dowladda oo dhibaato u geesanayay Shacabka Muqdisho oo la qabtay

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa ka howlgala deegaanka Garasbaaley ayaa gacanta ku dhigay askar katirsan ciidanka xoogga dalka oo dad shacab ah dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay.

Booliiska ayaana ku guuleestay in ay qabtaan saddex nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin ciidanka xoogga dalka, kuwaa oo adeegsanayay labo qoray oo kamid ah hubka dowladda ugu tala gashay in shacabka lagu difaaco.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in askarta la qabtay iyaga oo dhac u geesanayay dad shacab ah, waxaana askarta hadda ku socda baaritaanno, iyadoona loo gudbin doono maxkamadda ciidanka.

Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa dhac iyo dhibaatooyin kalaba dadka shacabka ah u geesta rag hubeysan oo inta badan xiran dareeska ciidanka, kuwaa oo qaarkood katirsan yihiin ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaadiid loogu deeqay Ciidamo gaar ah oo katirsan Milatariga Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

RW ku xigeenka dalka oo sheegay in DF ka go’an tahay xaqiijinta hal arrin (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno katirsan kooxda Jamaat-ul-Mujahideen oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade