Allbanaadir.com
NEWS

Guddoonka labada Aqal oo goordhaw gaaray Dhuusomareeb laguna soo dhaweeyay (Sawirro)

Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan xildhibaanno labada gole ka tirsan ayaa goordhow gaaray Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo masuuliyiin kale oo isugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Guddoonka labada Aqal ayaa la filayaa in magaalada Dhuusomareeb kula kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ka badan fariisin ka dhigtay caasimadda Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Galmudug u jooga abaabulka howlgalka looga xoreynayo Al Shabaab deegaannada iyo degmooyinka uu maamulkaasi ka arrimiyo, waxaana la filayaa in guddoonka labada aqal garab istaag iyo taageero u muujiyaan madaxweynaha.

Related posts

Koonfur Galbeed oo caawa shaacisay in ay isaga baxeen tartanka ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxay gudaha Somalia iyo soo dhaweyn loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Meydadka qoys todoba qof ka kooban oo laga helay Magaalada Osmington (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali