(Sawirro) Rooble & wafdigii uu horkacayey oo soo gebagabeeyey booqashadii Masar

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wafdigii uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay galabta kadib booqasho rasmi ah oo ay ku tageen dalka Masar.

Booqashada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Masar gaar ahaan arimaha iskaashiga ee ka dhexeeya labada dal.

Waxyaabaha la iskula soo qaaday kulamada madaxda labada dal waxaa ka mid ah  kordhinta deeqaha waxbarashada ay siiyaan ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Qaahira  booqday xarunta Jaamacadda Carabta halkaasoo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta  Axmed Abulqeyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -