Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha oo Kormeer kedis ah ku tagay deegaan dhawaan la wareegeen ciidanka Danab

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay wehliyaan masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa maanta kormeer kedis ah ku tagay deegaanka Sabiib oo kuyaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Farmaajo iyo xubnaha la socday ayaa deegaanka Sabiib ku tagay diyaarad nuuca qumaatiga u kaca, waxa uuna Madaxweynaha deegaankaasi kula kulmay saraakiil katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya iyo qaar kamid ah dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha iyo ciidamada uu la kulmay ku amaanay howlgalka ay kula wareegeen deegaanka Sabiib iyo sida amaanka uga shaqeenayaan, waxa uuna Madaxweynaha sheegay in howlgalada ciidanka ay sii socon doonaan.

Deegaanka Sabiib oo qiyaastii 10-km u jira degmada Afgooye ayaa dhawaan waxaa la wareegay ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee Danab, waxaana deegaanka Al Shabaab u aheyd goob istaraatiiji ah ay kasoo weeraraan degmada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Axmed Madoobe oo kulan Xasaasi ah la qaatay Donald Yamomoto (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Raisul Wasaarihii hore oo si kulul uga hadlay habraacii la soo saaray & Cali Guudlaawe oo

Caydiid Ali

Madaxweyne Museveni oo cudur ku dhacay iyo dowladda oo War kasoo saartay xaaladiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---