Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Maraykanku uu si qarsoodi ah u gurto kheyraadka Somalia?

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda Baarlamanka Kenya Faarax Macallin ayaa ku eedeeyey Mareykanka inuu si qarsoodi ah u xado kheyraadka Soomaaliya.

Faarax Macallin ayaa intaa ku daray in habeen kasta marka la gaaro 3:00am ama Sagaal saac habeennimo ay Dayuurado waaweyn oo uu Mareykanka leeyahay ka baxaan Muqdisho, kuwaasoo aada Garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeellaha hoose oo haatan saldhig u ah ciidamada Maraykanka.

Waxaa uu intaas ku daray in gaadiid waaweyn ay Buurhakaba ka qaadaan Macdanta iyagoo ku qariya Kunteenaro waaweyn, kuwaasoo geeya Balli-doogle, halkaasoo ay dayuuradaha Xamuulka ahna ka qaadaan.

Faarax Macallin oo hadalkan ku soo qoray bartiisa twitterka ayaa intaas ku daray in Kunteennarrada qaar ee laga qaado Buurhakaba oo gaaraya 40Fiit la geeyo Magaalada Baraawe oo ay ku taallo dekad macmal ah halkaasoo looga gudbiyo maraakiib ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo Xeebaha Somalia jooga.

Faarax oo ah siyaasi kulul oo aan afkaartiisa la gamban ayaa aad u dhaliila reer galbeedka iyo  Ciidamada jooga Soomaaliya ee AMISOM oo uu ku eedeeyo ineysan daacad ka aheyn nabad ku soo dabaalida Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) RW Khayre oo Shahaado sharaf gudoonsiiyey Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Caydiid Ali

Dugsiga Al Xusari oo Wargelin Muhiim ah u haya Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Weerar culus oo mar kale lagu qaaday xarumo kuyaalla Galhareeri iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---