Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dad badan oo ku dhintay Goob Xaflad aroos ka socotay iyo Farxadii oo Murugo isku bedeshay

Goob xaflad aroos ka socotay oo kutaala magaalada Mursuuq ee Koonfur-galbeed dalka Liibiya ayaa lala eegtay duqeyn , waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Diyaarad dagaal uu leeyahay Genaraalka xil doonka ah ee Haftar ayaa la sheegay in duqeyntaasi fulisay, waxaana duqeynta ku dhacday goob dad badan joogeen kana socotay xaflad aroos.

Inta la xaqiijiyay waxaa duqeyntaasi ku dhintay 40-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen, waxaana dadka wax ku noqday goobtaasi ay yihiin kuwa xaflada arooska ka qeyb galayay.

Goobta xaflada arooska ka socotay ayaa mar qura isku bedeshay goob dhiig badan dureero oo farxadii goobtgaasi ka jirtay isku bedeshay murugo, waxaana dadka ku dhintay xaflada ku jiray dad ehel la ahaa lamaanayaasha is guursanayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga & Iran oo wadajir u soo saaray bayaan xasaasi ah

Caydiid Ali

Maxkamada ICJ oo mar kale dib u dhigtay dhegeysiga dacwada badda Somalia & Kenya

Caydiid Ali

AMISOM oo looga digay in loo adeegsado doorashada Jubbaland & war Gaalkacyo laga soo saaray

admin
Taboola Ads ---